Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo U Balan Qaaday Cidii Dhisanaysa Warshad Inuu Siinayo Dhul

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay ganacsatada sheegay in ganacsatada dalka uu ku dhiira gelinayo inay sameeyaan ganacsiyo dar dar leh oo dalka gudahiisa.

Guddoomiye Tarsan ayaa sheegay inuu ganacsatada uu u sheegayo inay maalgashi ku sameeyaan dalka islamarkaana ay furaan warshado yar yar oo dalka anfacaya wax soo saarna leh.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale balanqaaday in qofkii sameysanaya warshad dalka gudahiisa ah uu maamulka Gobalka Banaadir siinayo dhul lacag la,aan ah intii uu doonaba.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tibaaxay in ganacsatada Soomaalida aysan laheyn wax soo saar dalka gudahiisa ah marka laga reebo allaabaha dalka dibadiisa laga keeno.

Ganacsatada Soomaalida ayaa inta badan waxa ay alaabaha ka keenaan dalka dibadiisa mana jirto warshado muhiim ah oo dalka ku yaalo oo soo saaro agabyo kala duwan marka laga reebo qaar yar.


Comments