Muuse Faarax Maankibuu Gadaye ma gudun buu daaqa ?

Muran xooggan ayaa u dhexeeyay Muuse Faarax Agaasimaha xabsiga lagu riday iyo madaxda Xarumaha wax-barashada ee sida gaarka ah loo leeyahay , kulaylka ugu badan wuxuu dillaacay markuu Muuse diyaariyay Shahaado heer Qaran ah looguna tala galay guud ahaa ardada ka baxda dugsiyada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay qaataan kuna galaan jaamacadaha dalka iyo dunidaba lagana gudbo magac yada ganacsiga ee ku joogo magaca Qaranka.

FPENS urur wax-barashadeedka gaarka looleeyahay waxaa umuuqday in xeebtii ay kaligood ku dabaalanayeen lagu soo cariiriyay qiimaha ay leedahay shahaadada FPENS cabsi ku imaan karto mar haddii ay ardada qalin jabis a oo dhan la wada siiyo shahaado hal meel kasoo baxday ( Wasaaradda Wax-barashada) kala soocna uusan jirin inay tahay bilowga xiritaanka Iskooladda qaaliga ah ama qiime jabinta qaar badan oo gurboodkeenna ah u furay jidka aqoon la'aanta iyo inay noqdaan kuwo culays xanuun badan ku reeba dalka .

Muuse Faarax wuxuu bilaabay inuu shahaadada dawladda dhexe ka dhaqan galiyo dunida inteeda tacliinta loo aado , wakiilkii hore ee wasaaradda tacliinta u qaabil sanaa ururka wax-barashada dunida carabta Aadan Zaki ayaa nuqul geeyay Suudaan oo ah meelaha ugu badan ee FPENS laga tix galiyo sidoo kale wakiiladda wasaaradaha Urdun , Sucuudiga, Yemen iyo Masar ayuu gudoon siiyay Nuqul waxaana lagu sheegay inay shahaadadan noqon doonto midda kaliya ee Soomaaliya .

Cabdul-qaadir warsame kana mid ah shaqaalaha Wargayska Al-Furqaan oo ay leeyihiin Dhaq-dhaqaaqa Al-Islaax ee Kuwait ayaa la aamin sanyahay inuu si xoog ah uga qayb qaatay sidii Muuse Faarax loo dhaafin lahaa mar uun wasaaradda jidkii la doono ha loo maree , sidoo kale wuxuu isna meesha ka riixay asagoo magac dilna ku sameeyay Aadan , labada nin Muuse iyo Adan ayaa waday hirgalinta mashruuca midaynta Shahaadada dugsiyada dalka .

Musuqa lagu eedeeyay Muuse run iyo been ayuu dhex yaallaa , 2009 kii ilaa maalinkii xabsiga loo dhaa dhiciyay Muuse wuxuu iigu muuqday qof aan mu mulmin Musuqa ragaadiyy Qarankeenna oo dhan hasa ahaatee waxaan qabaa in Magaciisa iyo meeqaamkiisa dad xiga ama saaxiib la ah ay meel fog geeyeen , haddii ay jiraan inuu wax is dhaafiyay isaga wuuba naga qarsoonaa ee maxaa loo sheegi waayay xittaa ragga ku caan baxay musuqa iyo maalka guud ee la boobayo, wixii dhac iyo boob lagu hayay shacabka ma waxaa ka waynaaday haddiiba ay jiraan dad lacag laga qaatay oo si loo geeyo Turkiga ?

Muuse ma wuxuu u xiran yahay FPENS ( Ganacsatada wax-barashada ee Islaax ) mise Musuq maasuq lagu helay ? Marwo Maryan ma waxay ku maamushay wasaaradda Awoodda Ururkeeda Islaax ?

Waa aragti ii gaar ah oo aan ururin ku kabay .

Fadumo Hiirad
Muqdisho
fahiira@gmail.com