
Jose Mourinho ayaa magacaabay 24 ciyaaryahan oo kooxdiisa oo uu qaadanayo kulanka Champions League ee ay habeenka talaadada la leeyihiin Manchester United.
Los Blancos ayaa wareega 16ka lugtiisa labaad la ciyaari doonta Manchester United ka dib markii Santiago Bernabeu ay barbaro 1-1 ah ku galeen lugtii hore.
Waxaana ay u safarayaan Old Trafford iyagoo heysta koox buuxda oo ay ka soo xushaan line-upkooda oo uu ku jiro kabtanka kooxda Iker Casillas kaasoo afartii isbuuc ee u danbeysay ku maqnaa dhaawac jab suulka ka soo gaaray.
Kooxda Buuxda Ee Mourinho u magacaabay Champions League: Iker Casillas, Adan, Diego Lopez, Jesús. Ramos, Arbeloa, Marcelo, Albiol, Varane, Pepe, Coentrao, Carvalho. Modric, Alonso, Khedira, Ozil, Kaka, Callejon, Di María, Essien. Ronaldo, Benzema, Higuaín, Morata