Man United Iyo Real Madrid Yaa U Gudbi Doona Wareega 8da Champions League Habeen Danbe?

Kulanka habeen danbe ee Old Trafford waa kulan la sugi la’ yahay oo wax badan ay miiska saaran yihiin, labadan kooxood Man United iyo Real Madrid ee ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee Yurub ayaana u tartamaya kooxdii u gudbi laheyd wareega 8da Champions League.

Lugtii hore ee ka dhacday Santiago Bernabeu waxa ay labadan kooxood ku kala baxeen barbaro 1-1, taasoo Man United fursad u siiyay gool marti ah inay soo helaan, laakiin natiijada Old Trafford ayaa labadan kooxood kala saari doona.

Kooxdii badisa ayaa u gudbi doonta wareega 8da, halka barbaro goolal la’aan ah ay keeni doonto in Man United ay ku soo baxdo sharciga goolasha martida ah, barbaro 2-2 ah iyo wixii ka badan waxaa si la mid ah iyana ugu soo bixi doonta Real Madrid.

Cristiano Ronaldo oo 93 milyan euro kaga tagay Man United 2009kii ayaana ku laaban doona habeen danbe Old Trafford, isagoo markaan hogaaminaya kooxda Los Blancos.

Hadaba sadaal ka bixi kulankaan, yaa u gudbi doona wareega 8da ee koobka Champions League, Man United mise Real Madrid? Ka Qeyb qaado codbixintaan hoose islamarkaana fekerkaaga qeybta hoose inoogu reeb.