Neymar: Maxaa Dhacaya Haddaan Iraahdo Messi Waxa Uu Qarka U Saaran Yahay Santos?

Weeraryahanka kooxda Santos ee Neymar ayaa mar kale ka hadlay wararka ku aadan in xagaaga dambe uu ka huleelayo kooxdiisa , isaga oo xaqiijiyay in talabaadaas uu qaadanayo waqtiga ay munaasibka ku tahay iyadoo uu beeniyay war ka soo yeeray saaxibkiisa Daniel Alves kaas oo sheegay In Barcelona hishiis la gaartay Neymar .

Xiddigaan 21-sano jirka ah ayaa saxaaafadda Brazil ka yiri ” in badan ayaan ku cel celiyay go`aankeyga waxaan qaadanayaa xilliga munaasabka ku ah , ma jirto cid soo afjari karta tani waa mid ii gaar ah”.

Neymar oo sii tixraacaya hadalka Daniel Alves ayaa yiri: “Maxaa dhacaya haddii aan iraahdo Messi waxa uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro Santos ? Alves waa saaxibkeey waan tixgilinayaa waxa uu sidaa u leeyahay sababo la xariira rabitaankiisa ah in uu igu arko Barcelona, balse aniga waxaan ku faraxsanahay kooxdeyda Santos”.

Waxaa xusid mudan in Neymar ay si xoogan u doonayaan kooxo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Barcelona, Real, Chelsea iyo Man City iyadoo kooxda Bayern Munich-na dhawaan soo bandhigeen dalab aad u sareeya oo ay ku doonayaan laacibkaas.