Roberto Mancini Oo Weli Diidan In Uu Gacanta Ka Taago Horyaalka Ka Dib Guushii Xalay

Tababaraha kooxda Man City Roberto Mancini ayay neefta ka fuqday ka dib guushii adkeyd ee ay xalay ka gaareen kooxda Aston Villa ciyaar qeyb ka aheyd wareega 28-aad ee horyaalka Ingiriiska kaasi oo uu saxiixay Tevez.

Inkastoo Man United ay ka hooseysaan 12 dhibic hadana tababarahaan City waxa uu ku dhagan yahay in kooxdiisa ka bixin tartanka horyaalka , isaga oo xaqiijiyay in 10-ka kulan ee harsan haddii ay badiyaan in u rajeynayo in koobka la keenayo garoonka Alitihaad .

Ka dib markii ay dhamaatay ciyaarta ayuu Mancini yiri ” waxaan u baahanahay in aan badino 10-ka kulan ee haray , guushii xalayna rajo ayay isii gilisay” ayuu sii raaciyay Mancini.

Dhanka kale Sergio Aguero iyo Jack Rodwell ayaa la tibaaxayaa in laga yaabo in ay ka maqnaadaan kulannka sabtida ee FA Cup-ka iyadoo Rodwell uu ku dhaawacmay kulankii xalay iyadoo Sergio-na uu ku dhaawacmay tababarkii ka horeeyay kulankii Aston Villa.