Hoobiye ku soo dhacay guri ku yaala Magaalada Muqdisho

Madfac aan la aqoon halka uu ka yimdi iyo cidda soo tuurtayba, ayaa wuxuu ku soo dhacay guri ku yaala Warshada Caanaha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Wararka laga helaayo Warshada Caanaha ayaa waxay sheegayaan in madfacaan uu wax yeelo ka soo gaaray hooyo iyo gabadh ay dhashay, oo ku wada sugnaa hoygooda.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in durbaba loo qaaday Isbitaalka Banaadir ee Degmada Hodan, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka nastay daryanka hubka cul culus, ayaa waxay wax iska weydiinayaan halka laga soo tuuray madfacaan.
Madfacaan oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ay Soomaalidu u taqaano, ayaan ilaa iyo iminka si dhab ah loo aqoon halka rasmiga ah ee laga soo ganay.
