Dhakhtar u dhashay dalka Kenya oo lagu Islaamiyay Gobolka Gedo

Dhakhtar u dhashay dalka Kenya ayaa waxaa Ashahaadada loogu qabtay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, ka gadaal markii uu go’aansaday in uu qaato Diinta Islaamka.

Ninkaan ayaa wuxuu horey uu u sheegay in uu ka soo fikiri doono in uu qaato Diinta Islaamka, markii uu sidaa uu u soo bandhigay nin Soomaali ah, oo ay dadka ku wada daaweyn jireyn dhirta.

"Degmada Beled Xaawo ayuu ninkaan imaan jiray isaga iyo dad kale, waxayna u imaan jireyn daaweynta dadka ee daawooyinka dhirta loo adeegsado, waxayna saaxiibo ahaayeen nin Soomaali ah, oo u soo bandhigay in uu soo Islaamo, laakiin wuxuu sheegay in uu ka soo fikiro doono." ayuu yiri Sheekh Maxamed Maxamuud Xasan.

Sheekh Maxamed Maxamuud Xasan ayaa wuxuu sheegay in nasiib wanaag uu ninkaan Isniintii shalay ahayd uu ogolaaday in uu Islaamo, isla-markaana ay Ashahaadada ugu qabteen sida uu yiri Degmada Beled Xaawo, shalay galab.

Sheekh Maxamed ayaa wuxuu xusay in ruuxii uu Alle uu la doono hanuun iyo Islaamnimo uu wadadaasi qaadaayo, balse ruuxii uusan ugu talla gelin, uusan wadadaasi qaadi karin.