Raa’isal Wasaare Saacid iyo wefdi uu hogaaminaayo oo gaaray Degmada Caabudwaaq

Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wefdi ballaaran uu hogaaminaayo, ayaa waxay teggeen Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Gedo.

Raa’isal Wasaaraha iyo wefdiga uu hogaaminaayo oo ka soo baxay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xaruunta Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa si qurux badan leh loogu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq.

Wefdiga uu hogaaminaayo Raa’isal Wasaare Saacid, ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo Saraakiil Cidan.

Raa’isal Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxay maal mahaan ay booqasho ku marayaan Deegaanada Gobolka Galgaduud, iyadoo goob kastaa oo uu tegaayo Raa’isal Wasaaraha, si weyn loo suggaayo ammaankeeda.

Ammaanka goobaha uu tegaayo Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa iska kaashanaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.


Comments