Askari qof shacab ah ku dilay Ex Conrtol Afgooye iyo Ciidamada Nabad Suggida oo ku baxay

Askari ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu nin rayid ah uu ku dilay Isgoyska Ex Control Afgooye, markii uu murun uu soo kala dhex galay.

Askarigaan ayaa wuxuu u baxsaday dhinaca wadada aadda Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad, oo ay deggan yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, gaar ahaan Ciidamada Dowladda Burundi.

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku raad jooggaan askarigaan, oo isagu maanta si bareer ah u dilay ninkaan rayidka ah.

Ninka rayidka ah ee la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa ganacsatada miiska yar yar ku heysata Isgoyska Ex Control Afgooye, oo iyagu wax ka iibiya dadka socotada ah ee ka yimaada dhinaca Afgooye iyo kuwa kale ee Afgooye ku sii jeeda.

Inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay ay yaraadeen dilalka Ciidamada Dowladdu ay u geysanayaan dadka rayidka ah, ayaa waxay hadana mararka qaarkood ay geystaan dilal.