
Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu sii kordhiyay xukunada dilalka ah, ee uu ku fulinaayo dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo uu Maamulka Puntland uu u aqoonsan yahay koox argagaxiso ah.
Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Bari ayaa waxay dhageysatay dacwad ka dhan ah Cali Maxamuud Cilmi, C/risaaq Axmed sheekh Axmed iyo Aadan Maxamed Nuur, waxayna Maxkamadu dhageysiga kadib ay fursad siisay seddexdaan xubnood, bal inay ka jawaabaan wax yaabaha lagu heysto.
Raggaan dhalinyarada ah ayaa waxay Maxkamadu kahor qirteen inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayna ka soo dagaalameyn qeybo ka mid ah Deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Buuraleyda Galgala.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan C/fitaax Xaaji Aadan, ayaa wuxuu xilligaasi kadib uu ku dhawaaqay xukun dil toogasho ah, oo lagu fulinaayo seddexdaan nin ee dhalinyarada ah.