
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa wuxuu kulan laqaatay xubno ka mid ah Odayaaha Dhaqanka ee soo xuley Baarlamanka Soomaliya.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo qaaday taageerada ballaaran ee Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle, ay u hayaan Maamulka uu hogaamiyo Cabdi aAdan Hoosow.
Malaaq Malaboow oo Kamid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa ku booriyey Gudoomiyaha in uu ka shaqeeyo Midnimada & Cadaaladda, isla markaana uu ka fogaado nin jeceleysi & eex.
Malaaq Shiine oo isna ka mid ah Salaadinta Digil iyo Mirifle ayaa wuxuu ka dalbaday Gudoomiyaha in uu taageero hamiga ay bulshoweynta Digil iyo Mirifle, ay u qabaan Dhismaha Dowlad Goboleedka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaliya, ayna tahay Sababta lagu doortay aqoonyahan Cabdi Aadan Hoosow oo Kamid ahaa Dadka u Ololeynaayay in ladhiso Dowlad Goboleedka Koonfurta Galbeed Soomaliya.
Waxaa kaloo madasha ka hadlay Malaaq Shariif Cali Xasan, wuxuuna sheegey inuu aad ugu faraxsanyhay in Dowladda, ay hirgeliso rabitaanka shacbiga Digil iyo Mirifle, oo ay wakiilka ka yihiin sida uu yiri Odayaasha Dhaqanka.
Gudoomiye Hoosow ayaa sheegey in Maamulkiisa uu yahay mid wax ku raadinaaya rabitaanka bulshada, oo loo maraayo wada tashi, isla markaana uu ka fogaan doono wax dhibaato ku keeni karaaya bulshada, sida uu yiri.
Sidoo kale shacabka ku dhaqan Gobolka Baay ayaa wuxuu sheegay inay u soo gudbin karayaan, cabasho ka dhan ah lacagaha canshuurta ah ee laga qaadaayo, waa haddii ay ku badan tahay'e.
Dadka ku nasab sheegtay Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay muujiyeen taageerada, ay u hayaan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Dr. Cabdi Aadan Hoosow.







