
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay inay la yimaadaan wax qabad dhab ah, si ay u sii kororto taageerada Caalamka ay ka heleyso Somaliya.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka hadlay sida Somaliya ay ku heli kareyso taageero ballaaran, oo dhinaca Beesha Caalamka ah.
Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay mar walba oo ay wax qabsato Ummada Somaliyeed, inay sii kordheyso taageerada Caalamka uu ugu yaboohaayo Soomaaliya.
“Mar walba oo aan wax qabsano taageerada Caalamka way sii badaneysaa, inaan Dowlad dhisano iskuma khilaafsanin, Fedaral iskuma khilaafsanin, in dhibaatada laga baxo iskuma khilaafsanin, in dalka aan wada dhisano iskuma khilaafsanin, ee aan ka wada shaqeyno wax yaabaha aan isku khilaafsaneyn, si aan caalamka uga helno taageero ballaaran.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu Ummada Somaliyeed uu ugu baaqay inay gacmaha is wada qabsato, si looga baxdo dhibaatadii dalka uu soo maray, leeskana ilaawo sida uu yiri wararka xanta ah.