
Madaxweynihii dalka Venezuela Hugo Chavez ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday, ka gadaal 24-kii saac ee la soo dhaafay oo ay xaaladiisu ahayd mid aad u liidata.
Madaxweyne Hugo Chavez ayaa wuxuu labadii sano ee la soo dhaafay uu la xanuunsanaayay cudurka halista ah ee Kansarka, kaasoo la sheegay in uu Madaxweynaha uu ka dhigay mid ay xaaladiisu liidato.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Hugo Chavez lagu daaweynaayay dalka Cuba, si wax looga qabto cudurka khatarta badan ee Kansarka oo si weyn u soo ritay.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Wadanka Venezuela Elias Jose Jaua Milano, ayaa wuxuu ku dhawaaqay geerida Madaxweynaha, sidoo kalan wuxuu iclaamiyay toddobo cisho oo uu dalkaasi ku jiri doono baroordiiq.
Elias Jose Jaua Milano ayaa wuxuu kaloo iclaamiyay in Hugo Chaves aas Qaran loo sameyn doono maalinta Jimcaha ah, isagoona dadka ka codsaday in Madaxweynaha loo duceeyo.