Degmooyinka Guriceel, Dhuusa Mareeb, Xeraale iyo Caabudwaaq oo ay Maamulo u sameysay Dowladda

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilligaan qorsheyneysaa sidii Masuuliyiinta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ay uga mid noqon lahaayeen Maamulka Dowladda Somaliya, ee uu hogaamiyo Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo maal mahaanba ku sugan Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu heshiis rasmi ah uu la gaaray Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray heshiis Ahlu Sunna looga mid dhigaayo Dowladda, iyadoo markaasi ka teggi doonto magaca Ahlu Sunna, oo ay kula dagaalameyso Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Somaliya C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa wuxuu Degmada Caabudwaaq uu uga dhawaaqay Maamulo loo sameeyay Degmooyinka Guriceel, Dhuusa Mareeb, Xeraale iyo Caabudwaaq.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu sheegay in Maamuladaan ay shaqeyn doonaan lixda bilood ee soo socota, isla-markaana ay ku shaqeyn doonaan sida uu yiri qaab kk meel gaar ah, inta mid rasmi ah Degmooyinkaasi looga soo sameynaayo.


Comments