Booliska Kenya oo toogtay mid ka mid ah laba nin oo toogatay askari u dhashay dalkaasi Kenya.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay maanta Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ay ku dileen mid ka mid ah Ciidamada Booliska ee dalka Kenya.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Xerada IFO ee Degmada Dhadhaab, oo ka mid ah Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Degmadaasi Dhadhaab, waxayna ragga dilka geystay ay isu dayeen inay goobtaasi ka baxsadaan.

Dadweyne fara badan oo goobtaasi ka ag dhawaa ayaa waxay raacadeysteen labadii nin ee dilkaan geystay, xilli dadku ay labadaan nin sii ceyrsanayeen ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Booliska, oo lagu soo wargeliyay.

Ciidamada ayaa waxay ku guuleysteen inay toogtaan oo ay goobtaasi ku dilaan mid ka mid ah raggaan, balse waxay ku fashilmeyn inay nolol ama geeri gacanta ugu soo dhigaan ninkii kale.

Hawl galo xilligaan ka soconaaya Degmada Dhadhaab ayaa waxay Ciidamada Booliska ee Kenya, ay ku baadi goobayaan ninkii kale ee ka qeyb qaata, dilka askariga u dhashay Kenya ee loogu geystay Xerada IFO.


Comments