Raa’isal Wasaaraha oo gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Raa’isal Wasaare Saacid ayaa wuxuu goor dhaw uu gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka arrimiyo Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wefdi ballaaran oo uu horkacaayo, oo ka soo baxay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay soo gaareyn Degmada Cadaado.

Raa’isal Wasaaraha iyo wefdigiisa oo Degmada Cadaado ku yimid diyaarad ay ka soo raaceen Degmada Caabudwaaq, ayaa waxaa si heer sare leh loogu soo dhaweeyay Degmada Cadaado.

Raa’isal Wasaare Saacid iyo wefdigiisa ayaa waxaa la filayaa inay kulan Degmada Cadaado kula qaataan Madaxda Maamulka Ximin iyo Xeeb, oo ay Xaruntoodu tahay Degmada Cadaado.

Wefdiga la socda Raa’isal Wasaaraha waxaa ka mid ah ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo Saraakiil Cidan.