
Kooxaha Inter iyo Barcelona ayaa la sheeegay in ay baadi goobayeen ciyaaryahanka AC Milan Stephan El Shaarawy ka hor Milan inta aysan la soo wareegin.
Xidigaan da’da yar ayaa kooxda Ac Milan waxa ay heshiis wadaag kula noqotay kooxda Genoa sanadkii 2011 ka dib markii ay ka soo qaateen kooxda Serie B ee Padova.
Sand ka hor kooxda Milan ayaa ciyaariyahankaan ka soo dhaqaaajisay garoonka Stadio Marassi ka dib markii uu gacan ka geystay labo gool oo laga dhaliyay kooxda Diavolo..
Kooxda Inter ayaa ku raad joogtay ciyaaryahankan sidoo kale kooxo ka dhisan dalka ingiriiska ayaa raadinayay waxaa kaloo ku jirta kooxda Barcelona oo si gaar ah u rabtay.
Balse Milan ayaa waxa ay samaysay is ku day dhaqse ah oo ciyaariyahanka gabi ahaantiis kula wareegeyso waana ku guuleysatay.
El Shaarawy, ayaa iminka dhaliyaya 16-gool horyaalka Serie A-da ka dib markii uu koooxda u saftay 26-kulan iminkana waa 20-jir wali car car ah.